4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2017
Xildhibaannada gollaha shacabka oo Ansixiyay heshiiskii Maxaabiis is dhaafsiga Soomaaliya iyo India

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay heshiiska maxaabiis isu celinta ee dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya, kaasoo ay soo saxiixday Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka oo ay soo xaadireen illaa 161 Xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan.

Xildhibaanada ayaana cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya, ma jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid ansax ah, iyadoo wixii hada ka dambeeya loo gudbi doono in la dhaqan geliyo, marka uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa bishii August heshiis ku aadan is dhaafsiga Maxaabiista la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in maxaabiista Soomaalida ee xukunka ku dhacay in loo soo wareejiyo dalkooda oo ay ku dhameystaan xukunkooda.

Xabsiyo ku yaalla dalka Hindiya ayaa waxaa ku xiran maxaabiis gaaraya boqol maxaabiis, oo loo heysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]