4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Puntland oo faah faahin ka bixisay siyaasiyiin lagu xiray Garoowe

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee dowlad gobolleedka Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay siyaasiyiin lagu xiray magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay shaqsiyaadka la xiray baalmareen sharciga iyo dastuurka Puntland islamarkaana sameysteen sida uu hadalka u dhigay madal ama Urur aan meelna ka waafaqsaneyn sida uu hadalka u yiri dastuurka iyo sharciga dowlad gobolleedka Puntland.

Siyaasiyiinta iyo ganacsatada la xirey ayaa waxaa ka mid ah C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne),Daahir Ciiro iyo Feysal Faarax Cali oo dhamaan horay xilal ugaga soo qabtay dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland waxana ay ka soo horjeesteen shirka Kismaayo.

Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ayaa sheegay in siyaasiyiintan la horkeeno doono sharciga, cid kasta oo ka hortimaada sharciga iyo dastuurka Puntland na talaabo laga qaadi doono.

‘’Dadkan la xirxiray Annigu siyaasiyiin in ay ahaayeen uma arko, waxey ahaayeen dad nabad-galyo qalqal ku ah, cid kasta oo tallaabo noocaas ah qaadana sharciga ayaa la horgeynayaa’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nuugaal.

Maamulka Puntland ayaa wajahaya culeys uga imanaya siyaasiyiin ka biyo diidan habka hogaaminta madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]