3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Dowladda Turkiga oo qabatay Tahriibayaal

 

Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

Gobolka Waqooyi galbeed ee Edirne ayay ciidamada amaanka ku qabteen 109-tahriibayaal sharci-daro ah oo xilligaasi ku sii jeeday dalalka Gariiga iyo Bulgaria,sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkiga Anadolu u sheegay Sarkaal sare oo diiday in la magacaabo sababo amaan dartood.

Tuhmanayaasha la qabtay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Syrian, Afghan, iyo Iran sida ay ku waramayaan ilaha xogtaan laga helayo.

Sidoo kale,howlgal ay ciidamada amaanka Turkiga ay ka sameeyeen degmada Edirne’s Ipsala ayaa waxay ku soo xireen 14-Qof tahriibayaal sharci-daro ah,kuwaasi oo iyagoo baxsad ah la soo qabtay.

Ciidamada Amaanka ayaa ogaaday in muhaajiriinta ay gacanta ku dhigeen yihiin dad asal ahaan ka soo jeedo dalka Bakistaan,kiuwaasoo doonayay iney gaaraan dalka Gariiga ka dibna dalalka kale ee Yurub kaga sii gudbaan.

Magaalada Soke ee Gobolka Aydin ayaa Sidoo kale lagu soo waramayaa in Ciidamada Booliska ay ku qabteen 40-Muhaajiriin oo lagu soo raray gaari xamuul ah,sida ay Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen.

Wadaha gaariga ayaa cagahiisa kaga baxsaday Booliska ka dib markii uu arkay inuu ku socdo wado booliska bar-kontarool ku leeyihiin.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii uu ula tacaali lahaa tahriibayaasha faraha badan ee ku sii qul qulaya dalalka Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/13/2017 11:34 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Dibadbax looga soo horjeedo shirkii dhawaan madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya Kismaayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

10/13/2017 8:57 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada xukuumada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dhimayaasha hay’addaha UNka ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha caqabad ku yihiin howlaha ka socda garoonka.

10/13/2017 5:20 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.

10/13/2017 3:44 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay iska kaashanayan dowladda dhexe, Koonfur Galbeed, AMISOM oo ku saabsan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

10/13/2017 3:27 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

10/13/2017 3:20 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Munaasabad lagu xusayey maalinta arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegneyd shalay oo taariihkdu aheyd 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2017 ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

10/13/2017 3:03 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxaa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir.