3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Xuska maalinta caalamiga ah ee Aragga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho


Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Munaasabad lagu xusayey maalinta arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegneyd shalay oo taariihkdu aheyd 12-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2017 ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa si wadajir ah munaasabadan u soo qabanqaabiyey Jaamacadda Banaadir iyo Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo ka qeyb galeen masuuliyiin, Macalimiin iyo ardayda Jaamacada Banaadir qaarkood, Masuuliyiin kale oo ka socotay Xukuumada federaalka Somalia, Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku taqasusay cudurada iyo daweynta indhaha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabada kaga waramay muhiimada ay xuska maalintan u leedahay bahda Caafimaadka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

“Maalinta Arraga Aduunka waxaa sanad walba loogu talo galay in la xuso Khamiista labaad ee bisha Oktoobar, ujeedada maalintan loo asteeyeyna waxay tahay in la is-xusuusiyo Caafimaadka Indhaha, muhiimada ay leeyihiin, iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka aragga la si ay bulshada inteeda kale wax ula qeybsadaan” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in sanad walba uu caalamku munaasabadan u doorto halku dheg cusub, wuxuuna xusay in halku dhega caalamiga ah ee sanadkan loo doortay uu yahay (Araggu qiimo ayuu leeyahay) wuxuuna ku dheeraaday hababka ugu haboon ee looga hor tegi karo loona daweyn karo indho la’aanta oo uu sheegay in %80 wax laga qaban karo.

“Dad ku dhow 300 oo milyan ayaa caalamka oo dhan aan heysan indho ay wax ku arkaan %90 waxay ku nool yihiin dalalka ka hooseeya saharaha Afrika, Soomaaliya markaan u soo noqono waxay ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay ka jirto arag la’aanta, waxaana aad ugu badan cudurka (Cataract) oo ah xuubka aragga ama indhaha daboola” ayuu yiri Dr. Dalmar oo Dhinaca kale ka warbixiyey howlaha u bulsada uu qabtay Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo uu sheegay in isagoo kaashanaya heyaddo caalami ah tobankii sano ee ugu dambeeyey uu qaliimo iyo daweyn bilaash ah u sameeyey dad kumanaan gaaraya oo ku nool xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo gobolada koonfurta iyo bartamaha Somalia, wuxuuna xusay in sidaasoo ay tahay ay weli aad u sareyso heerka indha la’aanta ka jirta dalka, wuxuuna balan-qaaday iney sii wadi doonaan intii karaankood ah sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Xoghayaha arrimaha Dibeda ee ururka Indhooleyaasha Soomaaliyeed Axmed Xasan Warsame ayaa isna munaasabadan ka sheegay dhibaatooyinka heysta dadka Indhoolayaasha ah iyo baahida loo qabo sidii la isaga kaashan lahaa in wax laga qabto.

“Waxaa Mahad ballaaran iska leh Dr. Dalmar iyo isbitaalkiisa Al-Nuur oo dad fara badan oo kumanaan gaaraya ka daweeyey cudurada indhaha, kumanaan kalena u sameeyey qaliimo waxaana ku boorineynaa iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan” ayuu Axmed Xasan Warsame.

Madaxa Waaxda arrimaha bulshada ee xafiiska raisul wasaaraha Soomaaliya Marwo Maryan Aadan Amiin oo iyana munaasabadan ka hadashay ayaa sheegtay in xuska Maalinta caalamiga ah ee arraga uu yahay mid loogu talo galay in caalamku isku xusuusiyo dhibaatooyinka heysta dadka indhoolayaasha ah si loogu Baraarugo bay tiri wax u qabashadooda, iyadoo dhinaca kale ka warantay howlaha uu xafiiskeedu qabto iyo dedaalka ay ugu jiraan taageerida dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxayna u mahad celisay qaban-qaabiyeyaashii xafladan, iyadoo amaan u jeedisay Dr. Dalmar iyo dhaqaatiirta la midka ah ee ku howlan wax u qabashada bulshadooda.

Agaasimaha guud Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Somalia Maxamed Cadde Mukhtaar oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay ayaa isna sheegay in wasaaradiisa uu waajibaad ka saaran yahay daryeelka dadka Naafada ah balse aysan sidii loo baahnaa u gudan karin howlaheeda sababo la xiriira heyadaha dowlada oo weli la kobcinayo, wuxuuna tilmaamay in sidaasoo ay tahay ay intii karaankood ku dedaalaan daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo Indhoolayaashu ay ka mid yihiin isagoo u mahad celiyey Dr. Dalmar iyo isbitaalkiisa oo uu xusay iney wax weyn oo la taaban karo u qabteen dadka aragga la’ wuxuuna ku booriyey iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u wacan ayaa sidoo kale intii ay socotay waxaa Khudbado ka jeediyey Agaasimaha waaxda Naafada ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Cumar Xuseen Caliyow, Gudoomiyaha ardayda kuliyada Caafimaadka Jaamacada Banaadir (BUMSA) C/llaahi Maxamed Warsame, xubin ka tirsan Ururka qelin-jebiyeyaasha kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir, Maxamed Cismaan iyo xubno kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/13/2017 11:34 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Dibadbax looga soo horjeedo shirkii dhawaan madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya Kismaayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

10/13/2017 8:57 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada xukuumada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dhimayaasha hay’addaha UNka ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha caqabad ku yihiin howlaha ka socda garoonka.

10/13/2017 5:20 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.

10/13/2017 3:44 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay iska kaashanayan dowladda dhexe, Koonfur Galbeed, AMISOM oo ku saabsan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

10/13/2017 3:34 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamada Amaanka Turkiga ayaa khamiistii shalay gacanta ku dhigay 226-Qof oo doonayay in si sharci-daro ah uga tahriibaan dalkaasi ka dib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen gobollo dhowr ah,sida ay saraakiisha Ciidanka sheegeen.

10/13/2017 3:27 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Mareykanka ayaa weydiistay Dowlada Turkiga inay soo bandhigo haddii ay heyso caddeymo muujinaya eedaha ay usoo jeediyeen shaqaalo ka tirsan qunsuliyada Mareykanka ee Turkey iyo dhowr muwaadin oo Mareykan ah oo lagu xiray dalka Turkiga.

10/13/2017 3:03 AM EST
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay is rasaaseyn waxaa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka Banaadir.