Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay wada shaqeyn iyo midnimo
Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadda shaqeyn iyo midnimo,
waxaana warsxaafadeedka madaxweynuhu u muuqday mid lagu soo beegay kaddib shirka
Kismaayo ugu soo dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka.
“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka
kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba
leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay
midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen
u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay mar walba imaan karto dhaliilo
iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda,
waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa
madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta
dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada
shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa war murtiyeed ay soo saareen kaga hadlay
qodobo dhowr ah oo ku saabsan amniga, siyaasadda, federaaleynta, kheyraadka iyo
arrimo ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]