4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso Fatahaadda uu sameeyo Wabiga Shabeelle

 

Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan fatahaadda uu inta badan sameeyo Wabiga Shabeelle.

Wuxuu sheegay arrintan in ay iskala shaqeyn doonaan Wasaaradaha maamul goboleedyada ee mataanaha la ah Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka.

Sidoo kale Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in rajeynayaan sanadka dambe xilligan oo kale in ay yaraan doonaan fatahaadaha ay sameynayaan Wabiyada, maadaama uu tilmaamay in ay galeen heshiiyo lagu dayactirayo.

“Wasaaradda qorshaha waxaa ugu jira in dayactir weyn lagu sameeyo Wabiyada, in la soo nooleynayo biyo xireenada, wasaaradaha Dhiggeena ah ee Dowlad goboleedyada waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiir Ibroow.

Wabiga Shabeelle ayaa dhowaan fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo khasaare u geystay Beeraleyda ku nool hareeraha Wabiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]