3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Guddoomiyaha degmada Buula-burte oo eedeyn u jeediyay mas’uul ka tirsan maamulka G/Hiiraan

 Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha degmada Buula-burte Xassan Maxamed Ibraahim ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan Axmed C/dalla Inji oo ku sugan degmada.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka in degmada uu ka abuuray sida uu hadalka u dhigay xiisad siyaasadeed iyo kicin bulsho, isaga oo bilaabay ayuu yiri magacaabista gudiyo aan lagu wargalin maamulka degmada.

‘’ Eedeynta aan u jeedineyno guddoomiye ku-xigeenka maamulka G/Hiiraan ayaa ah magacaabista xubno iyo guddiyo aan lagu soo wargalin maamulka degmada , sidoo kale waxaa uu warbaahinta ka sii daayay in uu shaqadii maamulka iga joojiyay sababo aan la aqoon ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buula-burte.

Xassan Maxamed Ibraahim ayaa intaa ku darray in guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan uu iskii u sameystay guddiyo ka shaqeeya gurmadka abaaraha , isaga oo ku wargaliyay in dhaqaallaha ay soo ururiyaan si toos ah loogu soo wareejiyo wareejiyo.

‘’Maamulka gobolka Hiiraan iyo dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa weydiisaneynaa in ay arintan soo faragaliyaan, ‘ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buula-burte oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Ugu danbeyntii, guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Axmed Inji kama uusan hadal waxa ka jira eedeymaha loo soo jeediyay.

Hiiraan Online News Desk













Click here
3/24/2017 2:18 PM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabudallaahi Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan magaalada Nairobi waxaa uu khadka isgaarsiinta leyska arko uga qeyb-gallay shirka gollaha amaanka oo looga hadlay xaalada bani'aadannimo ee Soomaaliya.

3/24/2017 10:09 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dajisay hal tan oo gaar gaar cuno ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateysa gobollada dalka Soomaaliya.

3/24/2017 9:09 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayay, kaddib markii lagu waayay dacwadihii lagu soo oogay.

3/24/2017 8:11 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qarax ku xirnaa gaari uu ku qarxay banaanka hore ee maqaayada Banooda oo u dhaxeysa Taalada Xaawa Taako iyo Daljirka Daahsoon.

3/24/2017 6:48 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Qarax xooga ayaa laga maqlay nawaaxiga Hotel Central ee magaaladda Muqdishu.

3/24/2017 6:18 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Ciidamadda Nabad sugida maamulka Galmudug ee Soomaaliya, ayaa kala fur-furay, waxyaaba Qarax oo la dhigay iridka hore ee guriga Xildhibaan C/laahi Cumar Geseey.

3/24/2017 5:25 AM EST
Jimco, Maarso ,24 , 2017 (HOL) –Hooyo Foosiya Gaabo oo ka mid ah dadka gaagaaban ee ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa lagu qallay cisbitaalka Gargaar ee magaaladda Hargeysa.

3/24/2017 3:44 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Xaafada Seey-biyaano ee degmadda Hodan, waxaa ka dhacay Qarax xoogan, sida dadka degaanka ay u sheegeen, Hiiraan Online.

3/24/2017 3:24 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray guriga Xildhibaan Macalin Cali Aadan Cadoow, oo ku yaalla Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

3/24/2017 3:23 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) - Madaxweynayaasha dowladda Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmay magaalada Nairobi ayaa wacad ku maray in ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

3/24/2017 2:13 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) - Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ay degtay doon ay la socdeen in ka badan labo boqol oo tariibayaal xeebaha dalka Liibiya, waxaana dadka doonta la socda la sheegay in ay ka mid ahaayeen muhaajiriin ka tagay wadamada bariga Africa.

3/24/2017 1:24 AM EST
Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ee wadday mooshikii ka dhanka ahaa madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay dib uga laabteen mooshinka.