4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Qofkii geystay weerarkii London oo magaciisa la aqoosaday iyo siddeed ruux oo la xiray

 Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Qofka lagu tuhusan yahay in uu geystay weerarkii shalay ka dhacay Buuntada Westminster ayaa la sheegay in uu ahaa qof Biritish ah sidaa waxaa sheegtay ra’iisal wasaaraha dalka Theresa May

Booliiska ayaa u soo xiray falkan siddeed ruux oo kadib howlgal baaxad leh oo ay qaadeen.

Booliiska ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Khalid Mascood 52, sano jir ku dhashay halka lagu magacaabo Kent oo Koonfurta Lodon.

"Wali waxaan aaminsanahay in ninka weerarkan soo qaaday uusan cid ku xirnayn balse uu ka shidaal qaatay argagixisada caalamiga ah'', ayuu yiri Rowley oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada London. Booliska UK ayaa sheegay in weerarkii Arbacada ka dhacay buundada Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Wassiirka ariaha dibada ee Faransiiska Jean-Marc Ayrault oo ka hadlayey hoteel Mariot ee magaalada London ayaa sheegay in Faransiiska iyo Britain ay waajib tahay in sii ahaadaan kuwa mideeysan si ay u wajahaan khatarta uga imaaneyeyo kooxah xagjirka. Booliska UK ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 7 qof ka dib weerarkii ka dhacay magaalada London Arbacadii oo 4 qof ay ku dhinteen.

Ugu danbeyntii, ra'iisul wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]