4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Booliiska Uganda oo toogasho ku dilay gabar saddex sano jir ah

 Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska Uganda ayaa sheegay in ay baadigoob ku hayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay in ay toogasho ku dileen gabar saddex sano jir ah.

Waxaa lagu eedeynayaa inay sidoo kale dhaawaceen gabadha hooyadeed iyo nin kale. arrintani ayaa ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Mityana ee bartamaha dalka Uganda Isniintii.

Afartaasi askari wakhtigaa iyada ah rasmiyan shaqo kuma aanay jirin, mana cadda sababta ka dambaysay toogashadaasi.

Booliska ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid si aad looga xumaado, waxayna sheegeen in ay bixin doonaan kharashaadka ku baxaya dawada dadka dhaawaca ah.

Ugu danbeyntii, raggaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen, booliskuna waxay wacad ku mareen in raggaasi gacanta lagu soo dhigi doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]