4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
ICRC : Afar bilood oo kaliya ayaan heysanaa si looga weecdo macaluul dhacda

 Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in saddex ilaa afar bilood oo kaliya la heysto si looga hortago ama looga badbaadiyo macaluul dhacda nolasha malaayiin ruux oo ku dhaqan saddex dal oo Africa ah iyo Yemen.

Hay’addaha gargaarka ka shaqeeya ayaa wali u sii baahan $ 300 oo Million si loo gargaaro ilaa shan Milyan oo ruux oo ku dhaqan dalalka Soomaaliya Yemen, W/Bari Nigeria iyo Koonfurta Suudaan, halkaa oo laga soo sheegayo abaarta ba’an.

“Xaaladda ma ahan sidii caadiga ahayd. Labaatan milyan oo qof oo wajahaya macluul ma ahan wax aan maalin kasta aragno, sidaas darteed waxaan u baahannahay inaan hadda tallaabo qaadno. Haddii aan tallaabo qaadno hadda, gaar ahaan Somalia iyo Yemen, macluusha waa la weecin karaa” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgalada ICRC Dominik Stillhart.

Waxaa uu intaa ku darray in hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha looga baahan yahay inay cashar ka bartaan wixii dhacay 2011, markaasi oo laga daahay in jawaab laga bixiyo macluushii Somalia, taasi oo dishay 260,000 oo qof, oo in ka badan bar ay ahaayeen caruur ka yar shan sano jir.

ICRC ayaa waxay billowday codsi ay ku dooneyso 400 oo milyan oo dollar si ay cunno, biyo, meel ay ku hoydaan iyo daryeel caafimaad u siiso shan milyan oo qof oo ah dadka ugu baylahan ee ku nool afar dal oo ay macluusha saameyneyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]