Koox hubaysan oo xalay rasaas ku furtay guriga wasiirka Boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland
Khamiis, Maarso ,23, 2017 (HOL)- Koox hubaysan oo aan wali haybtoodda la garan ayaa xalay rasaaseeyey
guriga wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud
Sheekh Cabdilaahi wakhti habeenimo ah oo wasiirkuna gurigiisa uu hurday.
Sida uu xoghayaha gaarka ee
wasiirku uu warbaahinta u sheegay wakhtigaasi rasaasta lagu furay ayaa ku
beegnaa xilli dambe labaddii habeenimo, waxaana rasaastii ay kooxdaaasi u
jawaabay ilaaladda wasiirka.
“Xalay abaaro labaddii iyo rubuc
habeenimo ayaa waxa ku war helay rasaas dhacaysa, markii aan dibadda usoo baxay
waxaan arkay gaadhi dibadda taagan oo rasaas ku soo ridaya guriga, ka dibna
gurigaan dib ugu noqday, waxaana dibadda ugu baxay ilaaladda wayna yaaceen dee
rasaastaasi guriga ku dhacday mooyee wax khasaare ah ma jiraan”ayuu yidhi
Xoghayaha gaarka ee wasiirka Mukhtaar.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in
madaxda ciidamaddu ay guriga yimaadeen,isla markaana ay baadhayaaan dadkii
falkaasi gaystay.
Dhinaca kale, wasiirka Amniga
Maxamed Muuse Diiriya ayaa sheegay in falkaasi dhacay ay dad u qabteen,isla
markaana ay baadhitaan ku jiraan.
“kiisaasi baadhis buu ku jira,
weerar toos ah oo wasiirka lagu weeraray ma jirin laakin guriga rasaas lagu
furay, laakiin ka hor dhici maayo baadhitaanka, dadna waa loo hayaa,
warbixinteeda gadaal baad ka heli doontaan”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye
wasiirudawlaha Amniga Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, hore umay
dhicin in weerar sidan oo kale qof wasiir ah loo gaysto, haseyeeshee wararka
madaxa banaan ee aanu helayna waxay sheegayaan inay ahayd koox ay wasiirka
arrimo ka dhexeeyeen, taasina ay sababtay inay guriga wasiirka rasaaseeyaan ka
dibna baxsadaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.