3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo hishiis ku saxiixday Nairobi + Sawirro


Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, Maxamed Cabdullhi Farmaajo iyo Uhurro Kenya ayaa maanta kullan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo kullankooda kadib kala saxiixda heshiis dhowr qodob ka kooban.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay muhiimada ah in la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo ka wada shaqeynta danaha labada dowladood.

Madaxweynaha dalka  Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay si dhow ay labada dal uga wada shaqeynayaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay bilaabi doonaa duulimaadyo toos ah,

Waxaa uu sheegay in labo todobaad gudahood ku bilaaban doono duulimaad toos ah Muqdisho iyo Nairobi, taasoo meesha ka saareysa duulimaayadii Soomaaliya ka imaan jiray ee soo mari jiray Wajeer.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadka heysta baasaboorada Servive iyo Diplomatic ay Viisaha ka qaadanayaan garoomada diyaaradaha Kenya, halka markii hore loogu soo saari jiray, ka hor inta aysan garoomada diyaaradaha Kenya ka degin.

Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay.

Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Kenya, isagoo xusay in kenya ay muddo labaatan sanno ay marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha caqabada ku ah, sida ammaanka, faqriga iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay labo dal oo iskaashi ganacsiga iyo dhaqaalaha leeyihiin, isla markaana ay sameyn doonaan sidii ay xoojin lahaayeen arrimaha gaarka ee labada dal ka dhaxeeya.

Waxaa uu soo dhoweeyay dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo heshiiska maanta qeyb ka ahaa, taasoo meesha ka saareysa in  diyaaradaha ka duula garoonka Muqdisho toos u tagi karaa magaalada Nairobi iyaga oo aan sii marin degmada Wajeer.

Ugu danbeyntii,  labada madaxweyne ayaa ku hishiiyay in ay sii xoojiyaan islamarkaana hergaliyaan heshiiskii iskaashi ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii July sanadkii 2015kii, ee xoogga saaray dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadka, waxbarashada, beeraha, wadaagga aqoonta iyo horumarka, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, dalxiiska, socdaalka, shaqaalaha iyo caafimaadka.

Madaxweynayaasha ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay in wada hadalkoodu ku soo dhamaday guul iyo is afgarad

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/23/2017 2:22 PM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Qofka lagu tuhusan yahay in uu geystay weerarkii shalay ka dhacay Buuntada Westminster ayaa la sheegay in uu ahaa qof Biritish ah sidaa waxaa sheegtay ra’iisal wasaaraha dalka Theresa May

3/23/2017 12:55 PM EST
Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday labo askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay in ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska Degamada Howladaag ee Gobolka Banaadir.

3/23/2017 12:48 PM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska Uganda ayaa sheegay in ay baadigoob ku hayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay in ay toogasho ku dileen gabar saddex sano jir ah.

3/23/2017 12:28 PM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Maxkamada sare ee ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa mar kale maanta dhalinyaro ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab shan ka mid ah ku riday xukun dil ah, labo kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

3/23/2017 12:18 PM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in saddex ilaa afar bilood oo kaliya la heysto si looga hortago ama looga badbaadiyo macaluul dhacda nolasha malaayiin ruux oo ku dhaqan saddex dal oo Africa ah iyo Yemen.

3/23/2017 10:43 AM EST
Khamiis, Maarso ,23, 2017 (HOL)- Koox hubaysan oo aan wali haybtoodda la garan ayaa xalay rasaaseeyey guriga wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi wakhti habeenimo ah oo wasiirkuna gurigiisa uu hurday.

3/23/2017 7:30 AM EST
Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) –Ugu yaraan Afar dagaalyahano oo laba ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen Oroma ka bar-bar dagaalamayay Al Shabaab ayaa lagu dilay dagaal xalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida Hiiraan Online uu u sheegay, Guddoomiyaha magaaladda Baraawe Cumar Madoobe.

3/23/2017 7:02 AM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada dalka Kenya, halkaasoo uu kulan albaabada u xiran yihiin kula qaatay dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

3/23/2017 5:16 AM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) - Degmada Xuddun oo ah halka ugu daran ee abaaruhu saameeyeen ayaa la sheegay in ku dhowaad lix kun oo qoys, kuwaas oo degaan ka yeeshay 35 xarumood oo ku yaala daafaha degmada.

3/23/2017 4:58 AM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacag dhan $ 864 Million oo loogu talagalay in wax looga qabto abaarta daran ee ku dhufatay Soomaaliya ilaa iyo hada la helay 31% oo kaliya.

3/23/2017 4:08 AM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ayaa soo dhaweysay magacaabista xubnaha cusub ee gollaha wasiirada dhawaan uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

3/23/2017 3:39 AM EST
Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) –Al shabaab ayaa weerar culus xalay ku qaaday magaaladda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

3/23/2017 3:25 AM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

3/23/2017 12:30 AM EST
Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka furmaya shir ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu sareysa Soomaaliya iyo Kenya sida horey loo sii shaaciyay.

3/23/2017 12:13 AM EST
Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska Britain ayaa sheegay in qofkii weerarka ka geystay Arbacadii shalay dhismaha baarlamaanka UK uu xiriir la lahaa kooxaha islaamiyiinta.