4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2017
Dagaalyahano Ajnabi ah oo ka tirsan Alshabab oo lagu dilay magaaladda Baraawe (Wareysi Hiiraan Online)

Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) –Ugu yaraan Afar dagaalyahano oo laba ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen Oroma ka bar-bar dagaalamayay Al Shabaab ayaa lagu dilay dagaal xalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida Hiiraan Online uu u sheegay, Guddoomiyaha magaaladda Baraawe Cumar Madoobe.

“Weerarka Al Shabaab waxaa ay kasoo qaadeen dhinaca xeebta, ciidanka dowladda ayaa iska caabin xoogan sameeyay, mid ka mid ah gawaarida difaaca oo yaalla magaaladda ayaa gubtay” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaaladda Baraawe, ayaa maanta la keenay magaaladda Muqdishu si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Ciidanka dowladda Soomaaliya, ayaa dagaalkii xalay waxaa kasoo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online balse Guddoomiyaha ma uusan sheegin, khasaaraha dhinacooda.

Saraakiisha Al Shabaab oo dhinacooda ka hadlay dagaalkii xalay ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay ka dileen 15 askari, kana gubeen saddex ka mid ah gawaarida ciidanka military-ga.

Duleedka magaalo xeebeedka Baraawe, waxaa ku sugan oo saldhigyo ku leh Ciidanka AMISOM.

Baraawe waxaa caasimadda maamul-gobolleedka Koonfur-galeed.

Hiiraan Online News Desk
Muqdisho , Soomaaliya