QM : waxaa la helay 31% oo kaliya lacagihii la dalbaday si wax looga qabto abaarta Soomaaliya
Khamiis, Maarso, 23,
2017 (HOL) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacag dhan $ 864 Million oo loogu talagalay in wax
looga qabto abaarta daran ee ku dhufatay Soomaaliya ilaa iyo hada la helay 31%
oo kaliya.
Farhan Haq oo ah ku xigeenka wakiilka QM ayaa Arbacadii
shalay sheegay in xaalada bani’aadaannimo ee Soomaaliya tahay mid ka sii
dareysa.
Waxaa uu sheegay in 257,000 oo ruux uga barkaceen guryihiin
ay ku noolaayeen xaalada abaarta intii u dhaxeysay bilihii November iyo February,
sidoo kalana 4,300 oo ruux ka gudbeen xadka Itoobiya si ay nolal u helaan.
Farhan Haq ayaa intaa ku darray in ay jiraan 13.000 oo kiisas
isugu jira cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka oo ay ku geeriyoodeen 300 oo
ruux tan iyo bilowgii sanadkan.
Ugu danbeyntii, xoghayaha arimaha dibada Britain Boris
Johnson oo todobaadkii hore booqday Soomaaliya ayaa la filayaa in uu
shir gudoomiyo kulan ay yeelanayaa gollaha amaanka oo looga hadlayo xaaladaha bani’aadannimo iyo siyaasada geeska Africa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]