4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2017
Faafaahin: Al shabaab oo weerar ku qaaday magaaladda Baraawe

 

Khamiis, Maarso,23, 2017 (HOL) –Al shabaab ayaa weerar culus xalay ku qaaday magaaladda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Khasaaraha dagaalka wali si rasmi ah looma shaacin.

“Weerarka waxaa uu ahaa mid dhowr jiho laga soo qaaday, dhinaca xeebta ayeey sidoo kale weerarka ay kasoo qaadeen, qeyb ka mid ah magaaladda ayeey dagaalyahanada Al shabaab ay soo galeen” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Madoobe, ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidankii ku sugnaa magaaladda, ay ka hortageen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, waxaana uu hadalkiisa uu sii raaciyay in howgallo ay ka wadaan gudaha magaaladda.

Duleedka magaalo xeebeedka Baraawe, waxaa ku sugan oo saldhigyo ku leh Ciidanka AMISOM.

Baraawe waxaa caasimadda maamul-gobolleedka Koonfur-galeed.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia