3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya + Sawirro


Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaya ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin  ay ka mid ahayd wasiirka arrimaha dibada Aamino Maxamed, Aadan Barre  Ducaale oo ah hogaamiyaha xildhibaanada baarlamaanka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii loo dhaariyay madaxweynahadalka Soomaaliya horaantii bishii hore ayaa waxaa uu ka qeybgalayaa shir loogaga hadlayo arrimaha abaaraha iyo qaxootiga.

Inta uu joogo Madaxweyne Farmajo dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu  kulan gaar ah la yeesho madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyagoo  ka wadahadli doono xiriira qaxootiga iyo amniga labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
3/22/2017 1:30 PM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Haweeney ayaa lagu waramayaa in ay ku dhimatay dadka kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarka lagu tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso oo ka dhacay dhismaha baarlamaanka Britain.

3/22/2017 12:09 PM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada London ayaa sheegaya in askari lagu tooriyeeyay dhismaha baarlamaanka ee magaalada London.

3/22/2017 11:29 AM EST
Arbaco, Maarso ,22, 2017 (HOL)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Nin ay isku magac noqdeen madaxweynaha Somaliland oo isna magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

3/22/2017 11:16 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Nin ku taqasusay arimaha la xiriira tiknolojiyadda ayaa dacwad lagu oogay, waxaana lagu eedeynayaa in $39 milyan oo dollar uu ka xaday laanta canshuuraha ee Kenya (KRA).

3/22/2017 9:04 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Deegaanka Qodqod oo 30km dhinaca Koonfur uga beegan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu waramayaa in hooyo Umul ah iyo labo caruur ah halkaa ugu geeriyoodeen biyo la’aan.

3/22/2017 8:18 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) Hay’adda ARAHA oo ah hay’ad gargaar oo ka shaqeysa arrimaha bini’aadnimada ee wadamada Geeska Afrika, ayaa shir jaraa’id oo ay uga hadleysay abaaraha sii xumaanaya ee ka jira Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah, waxa ay ku qabatay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

3/22/2017 8:08 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) -Shirkada Xawaalada Amaana ayaa biyo dhaamintii ugu balaarneyd tan iyo markii ay abaartu ku dhufatay dalka ka bilaawaday deegaanno hoostaga gobolka Hiiraan.

3/22/2017 7:33 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ay ciidamadu sheegeen in ay kusoo qabteen howlgallo ay saaka ka sameeyeen xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

3/22/2017 6:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Sii hayaha xilka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliya oo ku sugan magaalada Washington, ayaa lagu wadaa in uu halkaa ugu qeybgallo shir looga hadlayo la dagaalanka kooxda Daacish.

3/22/2017 6:24 AM EST
Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) – –Booliska ka Kenya ayaa howlgal lagu baadigoobayo macalimiin dhawaan la qafaashay ka wadda xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah.

3/22/2017 4:19 AM EST
Arbaco, Maarso, 22. 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay booqday, Cisbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay galab ka dhacay difaaca ay ciidamadda Ammaanka dowladda ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaaladda Muqdisho.

3/22/2017 2:18 AM EST
Arbaco, 22 Maarso, 2017 (HOL) - Kooxo hubeeysan oo aan la aqoonsan ayaa xalay fiidkii nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Somtel ku dilay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

3/22/2017 1:40 AM EST
Arbaco, Maarso, 22. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ku amaanay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre magacaabista gollaha wasiirada oo sida uu hadalka u dhigay mudo gaaban ku qaadatay in uu ku soo magacaabo marka laga eego waqtiga sharciga ah ee dastuurku u ogolaanayo.

3/22/2017 1:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 22. 2017 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Congo Jean-Pierre Bemba ayaa lagu wadaa maanta in ay xukun ku riddo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC, kaddib markii ay maxkamaddu ku heshay dambi ah in uu laaluushay markhaatiyada maxkamaddaasi.