4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2017
Burcadda internet-ka oo $39 milyan oo dollar ka xaday Kenya

 Arbaco, Maarso, 22, 2017 (HOL) –Nin ku taqasusay arimaha la xiriira tiknolojiyadda ayaa dacwad lagu oogay, waxaana lagu eedeynayaa in $39 milyan oo dollar uu ka xaday laanta canshuuraha ee Kenya (KRA).

Alex Mutungi Mutuku, oo 28 sano jir ah, ayaa ku eedeysan in gallay khiyaano dhinaca Internet-ka, kaddib markii uu xaday lacag malaayiin doolar ah.

Balse Alex Mutuku oo hadlay kana jawaabay eedeynta loo soo jeediyay ayaa beeniyay in uu wax qalad ah gallay.

Laakiin dacwad oogaha ayaa dhinaciisa sheegay in ninka uu ka mid yahay shabakad ballaaran oo lacag ka xaday laamaha dowladda.

Mutuku ayaa la xiray kadib markii booliska ay dabagal ku sameeyeen qaabka lacagta looga xaday laanta canshuuraha.

Alex ayaa xabsi lagu sii heyn doonaa inta booliska la dagaallankaa dembiyada internet-ka ay wadaan baaritaankooda.

Waxay aaminsan yihiin in ay jiraan xiriirro kale oo caalami ah oo ka wada shaqeeyay dhaca hantida intaas la eg.

Waxaa la sheegayaa in arrinta ay ka qeybgaleen burcad dhanka internet-ka ah oo haysta qalab iyo software u sahlay in ay dhacaan laamaha dowladda, sida uu ku warramay wargeyska Standrad ee Kenya.

"Waa xaalad ay burcadda isticmaalayaan qalab hage ah, halkaas oo kuwa laga shakisan yahay in si fudud ay ugu adeeganayaan qalabkooda, daqiiqad ka dibna waxaad ogaaneysaa in akoonkaaga bangiga aysan lacag ku jirin", ayuu yiri Edwin Okello, oo ah dacwad oogaaha guud ee Kenya, oo wargeyska uu soo xigtay.

"Akhbaarta aan hayno waa dhibic bad lagu daray. Jabsiga waxaa ku lug leh dad ku sugan dibadda Kenya".

Ugu danbeyntii, horraantii todobaadkan, booliska Kenya wuxuu sheegay in shirkad Shiinaha laga leeyahay ay ka dambeysay dhaqdhaqaaqyo dhanka internet-ka ah oo lacag looga xaday maamulka canshuuraha ee Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]