4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2017
Faafaahin: Qarax xoogan oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaaladda Muqdishu

 

Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL)--Ugu yaraan 10 ruux, ayaa ku geeryootay halka labaatameeyo kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay, inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaa lagu baaraa, gawaarida aada wada Madaxtooyadda Soomaaliya.

“Waxaan taagneeyn meel u-dhow tiyaatarka, oo waxaan sugeynay in ciidanka ay na baaraan, daqiiqado kama soo wareegan waxaa dhacay qarax xoogan oo nakala dhumiyay”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay qof goob-jooga ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Goblka Banaadir, ayaa sheegay,  in ugu yaraan shan ruux ay ku geeryoodeen qaraxa. 

Dadka khasaaraha uu ka soo gaaray qaraxa, ayaa la sheegay in ay u-badanyihiin askar iyo haween khaad iyo caano ku iibiya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarka uu guuldareystay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia