4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Roob lagu qabowsaday oo galabta ka da’ay magaaladda Hargeysa iyo hareeraheedda

 Talaado, Maarso ,21, 2017 (HOL)- Roob lagu qabowsaday ayaa galabta ka da’ay magaaladda Hargeysa iyo hareeraheedda, waxaana Saaka cirka laga dareemayey daruuro biyeysan oo dul ceegaaga magaaladda.

Sidoo kale, magaalooyin kale oo Somaliland ayaa laga soo sheegayaa inuu ka bilowday dhibcihii Guga, waxaana magaalooyinkaasi ka mid ah magaaladda Boorama oo roob lagu qabowsada ka da’ay.

Dhibcihii ugu horeeyey ee Roobka iyo jawiga neecowda Roobka ayaa maanta laga dareemayey qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland, waxaana dadweynuhu ilaahay baryayeen inuu ilaahay ka jabiyo abaarta dabadda dheeraatay ee ka jirta wadanka, waxaana roobkan lagu qabowsaday ku diirsaday dadweynaha magaaladda Hargeysa iyo nawaaxigeedda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.