4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 21, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay magacaabista gollaha wasiirada

 Talaado, Maarso ,21 , 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay magacaabista xubnaha gollaha wasiirada kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn soo dhoweeyay Wasiirada cusub, wuxuuna kula dardaarmay inay xilka u gutaan si daacadnimo ah, una adeegaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in golaha wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo ka turjumaya rabitaanka shacabka, isagoo xusay in xilligan oo dalka ku jiro xaalad adag ay tahay xukuumad looga baahan yahay inay dalka iyo dadka u adeegto.

 Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan Xukuumadda cusub, si waajibaadkeeda qaran u gudato.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maanta ku dhawaaqay 26 wasiir iyo hal ra’iisal wasaare ku-xigeen, xukuumada cusub waxaa ka mid ah 6 dumar iyo 19 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]