4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2017
Jaamacada Banaadir oo deeq gaarsiisay dad ka soo barakacay abaarta


Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL) -Maamulka iyo ardayda Jaamacada Banaadir oo iskaashanaya ayaa deeq ballaaran ugu qeybiyey duleedka magaalada Muqdisho boqolaal qoys oo ka mid ah dadka faraha badan ee ka soo barakacay abaaraha ka taagan gobolada dalka.

Deeqdan oo ka koobeyd, bur, bariis, Baasto sokor, Saliid timir iyo dhar ayaa waxaa ka faa’iideystay illaa 241 qoys, iyadoo qoysaska qaar oo wax agab ah aan wadan loogu daray maacuun iyo joodariyeyaal sida uu sheegay Raage Shahiid oo ahaa guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacada Banaadir, ahna hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacada oo intaas ku daray iney dedaal iyo juhdi badan ku bixiyeen sidii walaalahood dhibaateysan ay wax ugu qaban lahaayeen.

“Gargaarka Jaamacadu ugu talo gashay dadka tabaaleysan waxaa qeyb ka ah ardayda kuliyada caafimaadka Jaamacadda Banaaadir oo gargaar isugu jira baaritaanno iyo daweyn ka sameyn doona xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha” sidaa waxaa sheegay Dr Max’ed Max’uud Biday oo ah hormuudka kuliyada caafimaadka oo Alle ka baryey inuu ummadda ka dulqaado abaaraha iyo dhibaatada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna hadal kooban ka jeediyey munaasabadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Jaamacadda Banaadir iyo ardaydeeda iney ka qeyb qaataan gurmadka dadka walaalahood ah ee ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka.

“Gurmadka Jaamacadda Banaadir ay u sameyneyso dadka ay saameeyeen cudurada iyo abaaraha kuma koobna raashiin kaliya, waxaana jira dhaqaatiir ka tirsan Jaamacadda oo howlo samafal u aaday gobolada ay abaartu saameysay sida gobolka Mudug oo anigoo gudoomiyaha ah aan todobaadkii hore howlo shaqo oo samafal ah u aaday, Dr. Dufle oo isna booqday degmada Ceel-barde, dhaqatiir kale waxay naga joogtaa nagaalada Xudur, isbitaalka Banaadirna dhaqaatiir iyo arday badan ayaa ka shaqeynaha qeybta shuban biyoodka, magaalada Baydhabo koox kale ayaa iyana ku maqan, ” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaa ku daray in arintan ay muujineyso in dhinaca caafimaadka cududa ugu weyn ee ka howlgaleysa ay tahay Jaamacadda Banaadir, isagoo ku baaqay in bulshada Soomaalida dhexdooda isku tashadaan, aysana gargaar ka sugin gacmo shisheeye, wuxuuna ILAAHAY ka baryey inuu ummada u keeno roob dhibaatada iyo abaaraha ka saara, isagoo u mahad celiyey ardayda iyo maamulka Jaamacada ee isku soo duway deeqdan waxaanu u rajeeyey inuu ALLE ugu badalo ajir iyo xasanaad fara badan.

Dr. Maxamed Maxamud Fuje oo ka mid ah Mu’asasada Jaamacada Banaadir ayaa munaasabadan ka jeediyey wacdi Diini ah oo si weyn loogu khushuucay kaasoo ku saabsanaa faa’iidada aduun iyo aakhiro laga helayo in qofku uu sadaqo la baxo una kaalmeeyo walaalkiis dhibaateysan.

Qeybinta deeqdan oo ka dhacday kambaska Dr. Shahiid oo ku yaalla degaanka Km13 ee duleedka Muqdisho ayaa qoys walba oo ka tirsan 241-ka qoys waxaa la guddoonsiyey bariis 12.5kg, sokor 12.5kg, Bur 12.5kg, Baasto 5 kg, Timir 2 Kg, 3 liitar oo Saliid ah, bac dhar ah iyo boqol kun shilin Soomaali ah oo ay guddoonsiiyey haweeney lagu magacaabo Maamo Faadumo oo wakiil ka aheyd dad muxsiniin oo ku sugan dalka Imaaraatka, iyadoo 30 ka mid ah qoysaska oo xaalad adag ku jiray intaas loo raaciyey maacuun iyo Joodariyeyaal.

Qoysaska ka faa’iideystay deeqdan oo isugu jiray dad wejiyadooda ay ka muuqdeen duruufo qalafsan oo ay ku reebeen abaaraha ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ku jiray waayeel aad u jilicsan iyo haween, qaarkood oo saxaafada la hadlayna waxay sheegeen iney si weyn ugu faraxsan yihiin deeqdan iyagoo mahad celin ballaaran u jeediyey ardayda iyo maamulka Jaamacada Banaadir, waxayna ugu duceeyeen inuu ILAAHAY ugu bedelo wax ka qeyr badan.

Ugu danbeyntii Qaar ka mid ah ardayda, shaqaalaha iyo hormuudyada kuliyadaha Jaamacada Banaadir ayaa kaalin firfircoon ka qaatay habsami u bixinta deeqda iyagoo sidoo kale biyo iyo adeegyo kale qeybinayey dadka tabaaleysan ee deeqdan la gaarsiinayey.