4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2017
Fanaanada Nimco Yaasiin oo Minnesota uga qaybgalaysa Barnaamijka Midnimo

Talaado, Maarso, 21, 2017 (HOL)-Fanaanada Nimco Yaasiin ayaa soo gaartay gobolka Minnesota iyadoo ka qaybqaadanaysa barnaamijka MIDNIMO oo ah bandhig faneed lagu soo bandhigo gobolkaan oo looga gol leeyahay isdhexgalka bulshadda.


Nimco Yaasiin oo ka tirsaneed hobaladii qaranka ee Waabari ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Minneapolis/St Paul   badi fanaaniinta gobolka Minnesota .


Faadumo Cali madaxa barnaamijka MIDNIMO ayaa HOL u sheegtay  in ujeedada barnaamijkaan yahay sidii aan u tusi laheen dadka Minnesota heesaha muusikada iyo dhaqanka Soomaalida waana is dhexgal,waayo waxaa tumaya muusiga dad Maraykan ah waxaana heesaya fanaan Soomaali ah, waxaan tagnaa iskuuladda iyo xarumaha dhaqanka lagu soo bandhigo oon geeynaa fanka Soomaaliyeed ugana sheekaynaa dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida.


Abdul Ibrahim oo ka shaqeeya Xarunta Cedar Cultural Center / MIDNIMO  ayaa sheegay in ay hore u keeneen Minnesota fanaaniin badan sida buu yiri”  AAR MAANTA ,DurDur Band,Maryan Mursal, Cabdiqaadir Jubba, iyo Waayaha Cusub, sanadkaana waan sii wadaynaa .


Cabdul waxuu sheegay in bandhigyada ay kula qabanayaan  Minneapolis, North Mankato, iyo St Cloud oo ay rabaan dadka dagan magaalooyinkaana  ay arkaan dhaqanka iyo fanka Soomaalida.


Nimco Yaasiin oo bandhig faneedka uu ku weheliyo fanaanka Cabdicasiis Iskaaji ayaa iyaduna u mahadcelisay soo dhaweenta  loogu sameeyay Minnesota , waxayna si gaara ugu mahadcelisay fanaaniinta Minnesota iyo Cedar Cultural Center oo suuro galisay imaanshaheeda Minnesota.


Ugu danbayntii tan iyo markii madaxwayne Trump xukunka qabsaday iyo hadaladiisii adkaa ee  uu uga hadli jiray soogalootiga & arimahii socdaalka ayaa la arkaayay dad badan oo Maraykana oo garab taagan dadka laga tirada badan yahay tana waxay fursad u tahay isku soo dhaween dhex marta  dadka Minnesota iyo dadkii ku soo yimi 25 sano ee ugu danabaysay Soomaaliduna ugu horayso.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis Minnesota