4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay fagaaro ku toogteen mid ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaannada

Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab meel fagaaro ah degmada Aw-dheegle maanta ku toogteen mid ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaannada oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Diinle.

Oday dhaqameedka la sheegay in la toogtay ayaa ka mid ahaa odayaal waayadii ugu danbeeyay gacanta ugu jiray kooxda Al-shabaab oo ku eedeysnaa in ay ka qeyb-qaateen soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Ehelada odayga la dilay ayaa sheegay in mar warbaahinta Al-shabaab ka maqleen in la cafiyay isaga iyo odayaal kale oo la xirnaa, laakiin hadda ka war helleen in lagu toogtay meel fagaaro ah gobolka Shabeellaha hoose.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xarrakada Al-shabaab oo la xiriira toogashada oday dhaqameedka.

Ugu danbeyntii, ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab toogasho ku fuliyaan meel fagaaro ah dad ay ku eedeeyeen danbiyo kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]