4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Muqdisho Oo Lagu soo Bandhigey Daraasad ka hadleysa Saameynta Raga ay ku yeesheen Dagaaladii Sokeeye

 

Isniin, Maarso ,20, 2017 (HOL)-Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Bandhig  daraasad ku saabsan Saameynta Ragga ay ku yeesheen  Dagaaladii, gaar ahaan  Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaana Bandhigaas ka qayb galey Xldhibaano, Aqoonyahano, qaybaha kala duwn ee Bulshada .

Daraasadaan oo ay iska kaashadeen Mahadka RIFTVALLEY Iyo Daladda Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN  waxaa Dulmar ku saabsan daraasada ka soo jeediyey Ibraahim Cali Calas oo sheegey in Daraasada markii la Ururrinayey waxaa ka qayb galey ilaa Afar Boqol (400) oo qof kuwaa oo wax laga weydiiyey  sameeyna ku aadan raga ee Amaanka iyo Dhaqaalaha.

“Daraasadaan waxaa laga sameeyey Soomaaliland , Pundland, Bartamaha Koonfurta Soomaaliya iyo Kenya Gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga  waxaana Fuliyey 12 qof 8 Wiilal ah iyo 4 Gabdhood” ayuu yiri Mudane Calas oo intaa Raaciyey.

 “ Daraasada waxaa ku jirey Nin  Nolol Fiican haystey oo ku biirey jabhadihii  wuxuu islahaa Nolashaan mid ka wanaagsan baad Heleysaa taasi ma noqon waa ku dhaawacmey wuxuu galey nolol  ka liidata tii hore”.

 Yuusuf  Maxamed Barre oo  ka mid ahaa dadkii Daraasadaas ka soo shaqeyey ayaa isna ka qayb galayaasha la qaybsadey waxa  ay la Kulmeen intii ay  daraasdaas wadeen   isagoo sheegey in ujeedka daraasada ay tahay in  aan dib loogu noqon dhibaatooyinkii la soo marey Taariikhna ay noqoto.

Cismaan Muxyadiin Shaatax oo ah Gudoomiyaha Dallada SOYDEN  oo ka hadley soo bandhigida daraasdaas ayaa u mahadceliyey Machadka  Riftvalley wuxuuna hoosta ka Xariiqey in Daladiisa  ay Machadka u qaabilsaneyd Fududeynta Daraasada  waxaa u mahadceliyey intii ka qayb qaadatey Daraasada  sidoo kale waxaa uu sheegey in talooyinkii lagu biiriyey Daraasada ay qaadan doonaan  Ka qayb galayaasha soo bandhigida Daraasdaas waxay sheegeen in Daraasdaan loo baahnaa in mar hore laga soo shaqeeyeeyo si ay Cashar ugu noqto Bulshada Somaaliyeed , waxayn daraasdaan qayb ka ahayd mid Machadka Riftvalley uu  ka sameeyey haweenka Soomaaliyeed saameynta Amaanka iyo Dhaqaalaha.

Mustafa Hussein
[email protected]