4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Warqado digniin ah oo Suuqa Bakaaraha lagu daadiyay

 

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaa lagu daadiyay warqado digniin ah, oo la sheegay in ay ku socoto ganacsatada suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdishu.

Lama oga dadka ku daadiyay warqadaha Suuqa.

“Waxaan dareemeynaa cabsi xoogan, maanta wal-wal ayaan ku joognay suuqa, mar walba waxaan filaneynay dagaal”, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo diiday in magiiciisa aan xusno.

Masuuliyiinta dowladda, wali kama hadlin warqadaha lagu daadiyay suuqa.

Halkaan ka aqriso mid ka mid ah warqadaha lagu daadiyay Suuqa Bakaaraha.


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia