4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Xabaal wadareed ay ku aasnaayeen 17 qof oo laga helay magaalada Berbera


Isniin, Maarso ,20, 2017 (HOL)- Todoba iyo toban qof oo laga helay xabaal wadareed lagu duugay oo ku taalla xaafadda Burco Sheekh ee magaaladda Berbera,  ayaa aas qaran loo sameeyey kadib markii qof walba lafahiisa gaar la iskugu xirxiray laguna aasay xabaalo ku yaalla koonfurta magaaladda.

Wasiirka Cadaaladda, wasiirka Diinta iyo Aw qaafta, wasiiro kale, maayarka Magaaladda Berbera iyo guddida daba galka xasuuqyadii wadanka ka dhacay ayaa ka qaybgallay jinaasadda loo sameeyey dib u aasitaanka dadkan xabaalo wadareed lagu aasay laga soo foqay,isla markaana loo sameeyey qaabkii shareecaddu qabtay oo ah in maytidda la xurmooyo oo goobo ku haboonna lagu aaso.

Xabaal wadareedkan dhawaanta la helay oo koox caalami ahi xaqiijiyeen, islamarkaana soo foqeen 17 qof oo dawladdii Siyaad Bare ku laysay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa dib qof walba gaar loogu aasay.

Guddoomiyaha guddida baarista xasuuqyadda Soomaaliland Khadar Like ayaa sheegay in dadkan la xasuuqay ee xabaal wadareedka laga helay loo aasayo sidii shareecaddu qabtay, isla markaana ay waajib ku leeyihiin dadka in si wanaagsan loo aaso.

“Waxaanu halkan iskugu nimid in aynu xaqoodii u gudno intii aynu kari karaynay, todoba iyo toban dhalinyaro u badan, oo lagu xasuuqay xaafada la yidhaa Burco Sheikh ee magaaladda Berbera oo aynu dib ugu aasayno, xuquuqdii ay lahaayeen ee aynu kari karno, iyadoo gacan ka xaqdaran dishay.”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida xasuuqa Khadar Like.

Gooob-jooge wakhtigaasi dadka la xasuuqayey joogay ayaa ka warbixiyey qaabka waagaasi dadkan loo laayey, waxaanu yidhi “Anigu waan joogay habeenkii dadkaasi la laayey magaaladda Berbera ayaan joogay,inkastoo dalka oo dhan dadka inta la iska qabto la laynayey oo Hargeysa iyo Burco marka dadka la laynayey inta la kaxaysto ayaa la waayi jiray laakiin tan Berbera waxay kaga duwanayd inta dadka makhaayadaha Burco Sheikh laga kaxaysto ayaa makhayadda dhabarkeedda lagu layn jiray meeshii lagu laayey ayaa lagu aasay, marka taasi xanuun gaar ah ayey lahayd”

“maanta Somaliland aarsan mayso waayo dee dadkan dadkii laayey rajiim gaar ah ayuu ahaa, rajiimkaas waxa ka dambeeyey afar madaxweyne oo Soomaaliya soo maray, labadii hore ku meel gaadh bay ahaayeen, laakin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh iyo Farmaajo waxay ahaayeen laba madaxweyne oo imika loo aqoonsaday dawlad, waxaa lagaga gami’i karaa dadkii dadkaasi laayey waa la garanayaa in madaxweynaha hadda jooga uu qiro in dadkaasi la xasuuqay waayo amar dawladeed ayaa dadkaasi lagu laayey”ayuu yiri Wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare

Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo isna ka qaybgalay aaska loo sameeyey dadkaasi la xasuuqay waxa uu yidhi “ waxay aaskan qayb ka yahay in qofka la garto iyo in meel baydhsan lagu aaso waa gargarka qofka maydka ah la siiyo, marka waa la garanayaa dadkii laayey oo wali way nool yihiin oo waxay ku adkaysanayaan in dadkaasi ahaayeen kuwo ku soo duulay dawladdii markaasi, marka raga Nool ee wali meelahaasi ka hadla ee Morgan ka mid yahay waa in sharciga la saraa”

“imika Berbera haddii aad buurahaasi tagtid waxaad arkaysa xabaalo wadareed dad reer miyi ah oo lagu laayey oo dadkii deegaanku lku odhanyaan iyagoo xoolahoogii wata ayaa la laayey, dadkii waxaasi gaystay waa la garanayaa dadkay sii dhaleena waa lagaranayaa, madaxweynaha dadkiisa laaya waa la daba gala oo tafiirtiisa uun baa iyaguna la laayaa”ayuu yidhi Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin.

Xabaal wadareedkan cusub ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee muddooyinkan dambe la helo, waxaana xaqiijiyey baadhay dhakhaatiir ku takhasusay dadka la xasuuqo oo maalmihii u dambaysay wadanka ku sugnaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.