4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Madaxweynihii shirkadda tagaasida ee Uber oo is casilay

 Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Madaxweynaha shirkadda tagaasida ee Uber, Jeff Jones ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii uu xilkaas hayay muddo lix bilood ka yar.

Ilo ka tirsan shirkadda ayaa BBC-da u sheegay in is casilaaddani ay tahay "mid aan la aqbali karin".

Waxay sheegeen in Jones uu qoonsaday in shirkadda ay qof cusub u qoranayso madaxa hawlgalada, dadka booskaas u tartamayana uusan ka mid ahayn.

Laakiin barta internetka ee Recode ee ka warranta arrimaha tiknoolajiyadda ayaa sheegtay in sababta uu Jones shaqada uga tagay ay tahay arrimaha shirkadda ku xeeran ee dumarka la xiriira iyo kuwa tacadiyada galmada ah.

War qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay Axaddii ayaa lagu sheegay "in ay Jeff uga mahadnaqayso lixdii bilood ee uu la joogay, ayna wanaag u rajaynayso."

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]