4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2017
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo la magacaabay

 

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa loo magacaabay, Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa xilkaasi horay u hayay Shador Xaaji Maxamuud, oo Afartii sano ee lasoo dhaafay la shaqeeynayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa horay u-magacaabay xilal, waxaana dhawaan la saadaalinayaa in la magacaabo Agaasime Guud ee madaxtooyada.

Dowladda cusub ee Soomaaliya, ayaa wali ku jirta kala bed-bedelka xilalka madaxtooyada Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia