3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Kulan ay maanta yeelan lahaa xildhibaannada baarlamaanka oo u baaqday kooram la’aan

Isniin,  Maarso, 20. 2017 (HOL) – Waxaa dib u dhac ku yimid kulan ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaannada gollaha shacabka kadib markii la waayay tiro ku filan oo fadhiga uu ku furmo karo.

Xildhibaannada ayaa sheegay in kulanka maanta oo looga doodi lahaa ajandayaal muhiim ah ay soo xaadireen tiro aad u yar oo xildhibaano ah, madaama la sheegay in xildhibaannada intooda badan mashquul ku yihiin xarunta madaxtooyada iyo arinta la xiriirta magacaabista gollaha wasiirada.

Dib u dhaca ayaa noqonaya kii ugu horeeyay Kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka cusub oo u baaqday kooram la’aan xili inta badan xildhibaannada ku wada sugan yihiin magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankii ugu danbeeyay ayeey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen qarraar ku aadan gurmadka abaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/20/2017 2:36 PM EST
Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Warbixin ay Qaramada Midoobay maalgelisay ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay shanta waddan Afrika dadka ku nooli ay ugu farxad badanyihiin qaaradda.

3/20/2017 1:40 PM EST
Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab meel fagaaro ah degmada Aw-dheegle maanta ku toogteen mid ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaannada oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Diinle.

3/20/2017 12:52 PM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) -- Ku xigeenkii hore ee booliiska Alexanderia Xasan Aadan ayaa sheegay in lagu xiray garoonka diyaaradaha ee John F. Kennedy muddo 90 daqiiqo ah sababo la xiriira in magaciisa laga shakiyay.

3/20/2017 12:48 PM EST
Isniin, Maarso ,20, 2017 (HOL)-Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Bandhig daraasad ku saabsan Saameynta Ragga ay ku yeesheen Dagaaladii, gaar ahaan Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaana Bandhigaas ka qayb galey Xldhibaano, Aqoonyahano, qaybaha kala duwn ee Bulshada .

3/20/2017 12:22 PM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaa lagu daadiyay warqado digniin ah, oo la sheegay in ay ku socoto ganacsatada suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdishu.

3/20/2017 12:15 PM EST
Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha islamarkaana ah guddoomiyaha gudiga abaaraha dowlad gobolleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xassan ayaa warbaahinta u sheegay in dad gaaraya 30 ruux u geeriyoodeen abaarta iyo macaluusha.

3/20/2017 11:48 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Koox hubeysan ayaa galinkii dambe ee maanta, degmadda Yaaqshiid e Gobolka Banaadir ku dilay, qof magiciisa lagu soo koobay Amadi, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

3/20/2017 10:15 AM EST
Isniin, Maarso ,20, 2017 (HOL)- Todoba iyo toban qof oo laga helay xabaal wadareed lagu duugay oo ku taalla xaafadda Burco Sheekh ee magaaladda Berbera ayaa aas qaran loo sameeyey kadib markii qof walba lafahiisa gaar la iskugu xirxiray laguna aasay xabaalo ku yaalla koonfurta magaaladda.

3/20/2017 9:02 AM EST
Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Madaxweynaha shirkadda tagaasida ee Uber, Jeff Jones ayaa shaqada ka tagaya ka dib markii uu xilkaas hayay muddo lix bilood ka yar.

3/20/2017 8:26 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa loo magacaabay, Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa xilkaasi horay u hayay Shador Xaaji Maxamuud, oo Afartii sano ee lasoo dhaafay la shaqeeynayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

3/20/2017 6:16 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Guriga Nabadoon Sheekh Muuse, oo ku yaalla magaaladda Jowhar, ayaa waxaa xalay lagu tuuray Bam-gacmeed, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

3/20/2017 6:15 AM EST
Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa xir xiray dhalinyaro looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab, kadib howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

3/20/2017 5:58 AM EST
Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay Bam gacmeed xalay lagu weeraray guriga nabadoon caan ka ahaa degmada.

3/20/2017 5:11 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Madaxweynaha dalka Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa magacaabay 110 wasiir.

3/20/2017 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanka ku soo dhigay dhalinyaro dhac u-geysanayay dadka ku nool degmadda Yaaqshid ee magaaladda Muqdishu.

3/20/2017 3:26 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Kaaraan, ee Gobolka Banaadir ku dilay qof dumar ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

3/20/2017 2:41 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) – Madaxweye ku-xixgeenka maamul gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Camey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka looga fadhiyo in ay soo dhisaan sida uu hadalka u dhigay dowlad wax ku ool ah.

3/20/2017 2:27 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) -- Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadii lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen.

3/20/2017 2:16 AM EST
Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Wali waxaa xeebaha dalka Yemen kusoo caarinaya meydadka dadkii badda ku daatay kadib markii Jicmihii doon ay sarnaayeen lagu weeraray marinka Baab Al-mandab ee Badda Cas.