4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Faafaahin: Qarax ka dhacay magaaladda Jowhar

 

Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) --Guriga Nabadoon Sheekh Muuse, oo ku yaalla magaaladda Jowhar, waxaa xalay lagu tuuray Bam-gacmeed, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Mid ka mid ah ilaalada Nabadoonka, ayaa ku geeryooday bam-gacmeedka, waxaana sidoo kale khasaare uu soo gaaray dad kale oo rayid ah.

Sheekh Muuse, ayaa waxaa uu ka mid yahay Nabadoonadii kasoo dhex-muuqday dhismaha maamul Gobolleedka Hirshabeelle.

Ciidamadda ammaanka maamulka Hirshabeelle, ayaa howlgallo ay sameeyeen kusoo qab-qabtay dad badan, waxaana saaka la adkeeyay ammaanka magaaladda Jowhar, ee xaruunta maamulka Hirshabeelle.

Madaxda Hirshabeelle, ayaa cambaareeyay, weerarka waxaana ay sheegeen in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxyada.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia