4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Qarax khasaare dhimasho sababay oo xalay ka dhacay Jowhar

Isniin, Maarso, 20. 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay Bam gacmeed xalay lagu weeraray guriga nabadoon caan ka ahaa degmada.

Nabadoonka gurigiisa la weeraray oo lagu magacaabo Sheekh Muuse ayaa la sheegay uu ka badbaaday weerarka hasse ahaatee waxaa ku dhintay qof ka mid ahaa ilaaladiisa.

Goobta weerarka uu ka dhacy waxaa markii danbe gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaa oo halkaa ka sameeyay baaritaan la xiriira weerarka iyo sida uu u dhacay.

Magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hirshabeelle ayaa marar badan oo hore sidan oo kale waxaa ka dhacay weeraro loo adeegsaday Bamka gacata laga tuuro oo lagu qaaday saldhigyo ciidan iyo guryo ay degan yihiin dad magac ku dhax leh bulshada ama xiriir la leh maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]