4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 20, 2017
Puntland oo madaxda dowladda ugu baaqday in ay soo dhisaan xukuumad wax ku ool ah

 Isniin, Maarso, 20, 2017 (HOL) – Madaxweye ku-xixgeenka maamul gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Camey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka looga fadhiyo in ay soo dhisaan sida uu hadalka u dhigay dowlad wax ku ool ah.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda u muuqdaan kuwa iyaga isku mashquulsan, taasoo ayuu yiri haddii ay sii socto lumi karta hankii ay u hayeen bulshada Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka, waa cusub tahay, laakiin waxay u egtahay in ay iyaga isku mashquulsan yihiin, intey mashquulka iyo waqtiga ay dacayayaan iska daayaan dowlad wax ku ool ah umada Soomaaliyeed haloo dhiso ayuu yiri madaxweye ku-xigeenka.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka ayaa imanaya xili hadal heynta ugu badan Soomaaliya tahay dhismaha xubnaha gollaha wasiirada oo la filayo in todobaadkan gudihiisa lagu dhawaaqo.

Ugu danbeyntii, madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in ay tixgeliyaan dadkii is bedel doonka ahaa, isla markaana dowlad dhab ah la dhiso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]