3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Madaxweyne Famaajo oo todobaadkan booqashadiisii ugu horeysay ku tagi doona Kenya

 Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta Khamiista ah todobadkan booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii xafiiska loo doortay uu ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Manoah Esipisu Afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in booqashadan noqon doonto mid qeyb ka ah xoojinta xiriirka iyo saaxiibtimada labada dal, waxaana la filayaa in labada madaxweyne ka wada hadlaan arimo la xiriira siyaasada iyo amniga.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa la filayaa in ay martigaliso maalinta Sabtida todobaadka danbe shirka urur gobolleedka IGAD oo looga hadli doono arimaha qaxootiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba amniga gobolka.

Madaxweyaha Kenya ayaa maalintii shalay booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, lamana oga in booqashada madaxweynaha Kenya ka sii war qabtay dowladda Soomaaliya iyo in kale inkastoo Jubbaland ay beenisay in Uhuru Kenyatta tagay halkaa.

Ugu danbeyntii dowladda Kenya ayaa difaac uga jirta Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya oo marar badan oo hore weeraro dad badan ay ku dhinteen ku qaaday deegaannada dhaca xadka labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/19/2017 3:31 PM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib kulamo is daba joog ah uu la yeeshay hogaanka maamulka, xildhibaannada labada aqal iyo qeybo ka mid ah bulshada ka soo jeeda deegaannada Galmudug.

3/19/2017 2:54 PM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay cadadka lacagta ay ku caawisay tan sanadkii 2011, xiligaa oo abaar ba’an ay ku dhufatay Soomaaliya.

3/19/2017 12:05 PM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho lama filaan ah maalintii shalay ku tagay xerada militari ee ugu weyn ciidamada Kenya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa ee ku taala degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, ayaa amaanay ciidamada howlgalka ciidamada Kenya.

3/19/2017 11:13 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Waxaa marba marka ka danbeeya si adkaaneysa xaalada abaarta ka jirta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, taasoo keentay in kumannaan dad ah oo ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen isaga soo hayaamaan deegaannada miyiga ah oo abaartu saameyn gaar ah ku yeelatay.


3/19/2017 7:18 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Maamulka Puntland ayaa ku soo bandhigay magaalada Bosaaso Markab ay dhawaantan kooxo Burcad badeed ah ku qabsadeen xeebaha gobolka Bari , xilli amniga shaqaalaha saaran Markabka uu ahaa mid si weyn loo adkeeyay.

3/19/2017 6:46 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Guddoomiyihii Maxkamadda Magaaladda kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose Sheekh Xasan Macalin Aadan, ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, kadib markii cabasho uu ka muujiyay mushaar la'aan iyo amni daro, sida hadalka uu u dhigay.

3/19/2017 6:36 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka ka duulay garoonka diyaarada magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.

3/19/2017 6:17 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa maanta is-rasaaseen ku dhex-martay xaafadda Tarbuunka ee degmadda Hodan ee magaaladda Muqdishu.

3/19/2017 5:57 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Xildhibaan Cabduqaadir Faarax Bootaan, oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay ayaa maanta ku geeryooday isbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

3/19/2017 5:47 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan oo wareysi siinayay Idaacada Risaale oo ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay madaxweynaha Kenya uusan booqan degmada Dhoobley.

3/19/2017 3:56 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku cambareeyay weerarkii dhawaan lagu dilay qaxooti Soomaali ah oo marayay xeebaha Yemen.

3/19/2017 3:32 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugida maamulka gobolleedka Galmudug gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

3/19/2017 1:15 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Dowladda Kenya ayaa saartay Bandhow xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

3/19/2017 1:10 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo maalintii shalay shir guddoominayay kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay deg deg u soo dhisaan xubnaha gollaha wasiirada.

3/19/2017 12:55 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Koox hubeysan, ayaa xalay bam gacmeed ku weeraray guri uu Xaafada Cunaaye ka dagan yahay, Nabadoon Isxaaq Maxamed, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku doortay Magaalada Baydhabo.


3/19/2017 12:34 AM EST
Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Dagaal u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka maamulka Koonfur-galbeed, ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.