4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Uhuru Kenyatta oo amaanay howlgalka ciidamada Kenya ee Soomaaliya

 Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho lama filaan ah maalintii shalay ku tagay xerada militari ee ugu weyn ciidamada Kenya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa ee ku taala degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, ayaa amaanay howlgalka ciidamada Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay howlgalka mid naf hurnimo ah oo sida uu hadalka u dhigay lagu difaacayo nolasha dadka oo ay ka mid yihiin shacabka reer Kenya.

‘’Waxa  aad halkan u joogtaan waa in aad badbaadisaan nolasha dadka iyo shacabka Kenya intaba, islamarkana dadka ka xoreysaan cabsida Al-shabaab’’ ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ka rajeynayaan in ay xoogga saarto dhismaha ciidamado Qaran si  dalkooda ay dib ugu laabtaan ciidamada AMISOM oo ay qeyb ka yihiin kuwa Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Max’uud Siyad Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa dhinaciisa beeniyay in madaxweynaha Kenya uu booqday degmada Dhoobley.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]