4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Wariye lagu dhaawacay magaaladda Muqdishu

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Mahad Maxamed Cabdiraxmaan “Mahad Mutawakil”  oo ka mid ah wariyaasha u-shaqeeya Radio Shabelle, ayaa maanta ku dhaawacmay Israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay, xaafadda Tarbuunka ee degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

“Israsaaseynta, waxaa ay u dhexeysay ciidamada Guddoomiyaha Maamulka Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim iyo ciidamo kale. Wariyaha waxaa goobta uu ku wareystay Guddoomiyaha degmadda”  sidaasi waxaa sheegay Idaacada uu u-shaqeeyo wariyaha.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo yeeray Maamulka degmadda Hodan iyo Masuuliyiinta kale ee dowladda.

Mahad Mutawakil, ayaa sanadihii dambe si fir-fircoon uga dhex-muuqday warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya.

Maalmihii dambe, kala shakiga ciidamadda dowladda ayaa kusoo badanayay magaaladda.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wada qorshe cusub , oo ay ku dooneyso in ciidanka Militray-ga dowladda looga saarayo magaaladda Muqdishu, si ciidamadda Police-ka iyo Nabadsugida ay ula wareegaan ammaanka magaaladda Muqdishu.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia