4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Markabkii Afduubka loogu haystay xeebaha Puntland oo dekad-da Bosaaso ku soo xirtay iyo dowladda oo ka Hadashay

https://www.hiiraan.com/images/2017/Mar/

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Maamulka Puntland ayaa ku soo bandhigay magaalada Bosaaso Markab ay dhawaantan kooxo Burcad badeed ah ku qabsadeen xeebaha gobolka Bari , xilli amniga shaqaalaha saaran Markabka uu ahaa mid si weyn loo adkeeyay.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa si xoog ah waxaa ku soo furtay ciidamada badda Puntland oo ay ku jiraan qaar kamid ah kuwa daraawiishta ,waxaana munaasabad-dii soo bandhigid-da joogay saraakiil ka tirsan dowladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo goobta ka hadlay ayaa u mahad-celiyay ciidamadii ku guulaystay in dib loo soo furto Markabkan oo ay saaranaayeen shaqaale ajnabi ah oo u badnaa wadanka Srilanka.

“ Hadii Maraakiibta Midowga Yurub ee xeebaheena ku sugan aysan waxba ka qaban karin kaluumaysiga sharci darrada ah iyo waliba sunta lagu aasayo badaheena ,waxaa haboon in ay isaga baxaan bad-deena” ayuu yiri Eng. Camey oo goobta ka hadlay.

Waxa uu sheegay in maamulka Puntland uusan aqbali doonin in ay burcad-badeed-du dib ugu soo laabato biyaha Puntland , xilli la sheegayo in jariifka lagu hayo badaha Somaliya uu kordhay , tan markii ay yaraadeen weerarada burca-badeed-da.

Ugu danbayn, kooxaha burcad-badeed-da ah ee Somalida ayaa sanadkii 2011-ka qaaday 237 weerar ,taasi o sababtay in markii danbe ciidamada Midowga Yurub ay xoojiyaan howl-galada ka dhanka ah kooxahaasi oo waqtigaas gacanta ku hayay maraakiib badan.

Faysal M. Hassan
[email protected]