4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2017
Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo isku-rasaaseeyay magaaladda Muqdishu

 

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) -Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa maanta is-rasaaseen ku dhex-martay xaafadda Tarbuunka ee degmadda Hodan ee magaaladda Muqdishu.

Is-rasaaseenta ayaa bilaabatay, kadib markii ay is-qoonsadeen ciidamadda dowladda.

Saddex ruux, ayaa la sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray iska-hor-imaadka.

Maamulka degmadda ayaa sheegay in ciidanka ay kala tageen, xaaladana caadi ayeey kusoo noqotay.

Maalmihii dambe, kala shakiga ciidamadda dowladda ayaa kusoo badanayay magaaladda.

Dowladda Soomaaliya, ayaa wada qorshe cusub , oo ay ku dooneyso in ciidanka Militray-ga dowladda looga saarayo magaaladda Muqdishu, si ciidamadda Police-ka iyo Nabadsugida ay ula wareegaan ammaanka magaaladda Muqdishu.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia