4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Jubbaland : Madaxweynaha Kenya ma booqan degmada Dhoobley

 Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan oo wareysi siinayay Idaacada Risaala oo ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya uusan booqan degmada Dhoobley.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya in uusa tagin xitaa gobolka W/bari Kenya, isaga oo sheegay in warbaahinta aritan buunbuuniyeen.

‘’Libooya Kenya iyo Dhoobley Soomaaliya ayaa lagu kala magacabaa labadaba ma iman madaxweynaha ayuu yiri Max’uud Sayid Aadan madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland.

Maalintii shalay ayeey warbaahinta soo bandhigeen muuqaalo iyo sawiro muujinaya madaxweynaha Kenya oo ku sugan saldhiga ugu weyn ciidamada Kenya ee degmada Dhoobley oo ka tirsan Jubbada hoose.

Muuqaalada ayaa muujinayay in goobta uu madaxweyaha tagay aheyd xero ciidan oo ay ka dhisan yihiin teendhooyin ay ku jiraan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]