4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo war ka soo saaray duqeyntii lagu dilay qaxootiga Soomaaliyeed

Axad, Maarso, 19, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku cambareeyay weerarkii dhawaan lagu dilay qaxooti Soomaali ah oo marayay xeebaha Yemen.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku eedeysay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga in ay ka dabeeyeen weerarka lagu dilay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sii jeeday dalka Suudaan.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo weerarka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa sida uu hadalka u dhigay mid [Wuxushnimo ah]

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa faray howlwadeennada wasaarrada arimaha dibada in ay caawiyaan qoysaska dadka ku dhintay weerarka lana wadaagaan wax kasta oo macluumaad oo ah oo aritan la xiriira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]