4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo xariga ka jaray qayb cusub oo lagu kordhiyey cisbitaalka Hargeysa


Sabti, Maarso ,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun cusub oo noqon doonta qaybta gurmadka degdeg ah ee cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa lagu kordhiyey, waxa kale oo uu dhagax dhigay xarun cusub oo noqon doonta hooyada illaa cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo isku jira ilaa toddoba boqol oo mitir.

Xarunta gurmadka degdeg ah ayaa la dhisay 1953 kii, tan iyo wakhtigaasi waxba laguma kordhin, marka laga reebo xaruntan cusub ee hadda lagu kordhiyey.

Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa ayaa dhismayaashiisu u badan yihiin kuwii la dhisay wakhtigii Ingiriisku maamuli jiray Somaliland, waxaana xaaladda guud ee cisbitaalka ka warbixiyey agaasiamaha cisbitaalka Dr: Askar.

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray xarun cusub oo loogu talogalay inay noqoto qaybta gurmadka degdega ah ee cusbitaalka guud yeelan doono taasi oo qaadi doonta 50 qof markiiba una qaybsan laba qaybood oo kala ah haweenka iyo raga, madaxweynaha oo xadhig ka jarista ka dib kormeeray ayaa u mahadnaqay cid kasta oo qayb ka qaadatay dhismahan balaadhan ee aadka loo qurxiyey.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Caafimaadka, Maayarka Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood iska daba maray faa’iidada uu yeelan doonto xaruntani cusubi. Waxaana xusid mudan in maayarka caasimada Hargeysa oo hore 50,000 oo doolar ugu deeqay qaybtaasi dhamaatay uu maanta qaybta labaad ee madaxweynuhu u dhagax dhigay hooyada iyo dhalaanka uu ugu deeqay lacag dhan 20,000 oo Doolarka maraykanka ah.

Ugu danbayn Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa laba gaadhi oo nooca Ambulance -ka loo yaqaano ku wareejisay xaruntaasi cusub iyadoo xustay in aan meel kale loo isticmaalin balse ay ka hawlgalaan looguna gurmado xaaladaha degdega ah ee caasimada iyo nawaaxigeeda ka soo kordha.

madaxweynuhu wuxu xusay ahmiyada ay qaran u leedahay balaadhinta iyo dayactirka cusbitaalka guud ee dalku, isagoo madaxweynuhu gacan muuqata ku leh guud ahaan tayeynta iyo dhismayaasha cusbitaalada dalka ayuu hadana awooda saaray in cusbitaalka guud ee caasimadu noqdo mid ka kora halkii uu kaga tegay Ingiriisku wakhtigii uu xukumi jiray Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.