4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Xildhibaannada baarlamaanka oo meel mariyay qarraarka ku aadan gurmadka abaaraha

 Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey qaraar ku aadan gurmadka abaaraha dalka, kaasi oo mudooyinkan ay ka doodayeen xildhibaannada

Fadhiga xildhibaannada baarlamaanka ayaa ugu horeynba la guda-gallay dhameystirka dooda qarraarka gurmadka abaaraha dalka oo ay maalmahan ka doodayeen xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana ay tallooyinka mudanayaasha ku qotomeen in la xoojiyo gurmadka abaaraha iyo in la sugo qaabka gurmadka loo sameeynayo ayadoo guddiyada ku shaqada leh ay baarlamaanka la wadagayaan xogta halka ay mareyso gurmad sameynta.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhinaca kale xildhibaannada Golaha Shacabka uga war bixiyey kulan ay guddoonka Golaha Shacabka la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’isulwasaaraha kaasi oo ku aadanaa xoojinta gurmadka abaaraha dalka iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabkana ay ka qeyb qaadanayaan .

Qarraarka ayaa lagu meel mariyay codeyn gacan taag aheyd waxaana natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo shirka Guddoominayey.

Ugu danbeytii, marka laga soo tago meel marinta qaraarka gurmadka abaaraha dalka waxaa ay xildhibaannada golaha baarlamaanku qaateen kulan ay si hoose ugu eegayeen xaaladda dalka kaasi oo ay saxaafaddu dibad joog ka aheyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]