4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Saraakiisha gobolka Hiiraan oo ka hadlay dil qof rayid ah xalay loogu geystay magaalada Beledweyne

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dilka wiil dhalinyaro ah oo darwal ka ahaa gadiidka [Bajaajka] oo askari ka tirsan ciidamada dowladda uu xalay ku toogtay xaafadda Buundo-weyne ee gobolka Hiiraan iyo dhaawac kooxo hubeysan u geysteen macalin dugsi Qur’aan.

Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla ahaa u sheegay HOL in kooxo bastoolado ku hubeysan xaafadda Xaawo-Taako ku dhaawaceen macalin dugsi Qur’aan.

Mar uu ka hadlay dilka wiilka dhalinyarada ah ayuu yiri ‘’ Wiil dhalinyarro ah oo watay gaari Bajaaj ayaa ka daba-yimid askar ka tirsan ciidamada asluubta maamulka gobolka Hiiraan waa ay ka shakiyeen, waxaa ay isku dayeen in ay joojiyaan, laakiin waa ku soo dhaqaaqay intaa kadibna mid ka mid ah askartii ay xabad riday oo dishay wiilkaa dhalinyarrada ah.

Taliyaha ayaa sheegay in arintan ay ku hayaan baaritaan dheeraad ah islamarkaana sida uu hadalka u dhigay gacanta lagu soo dhigay askarigii falka dilka ah geystay.

Mar uu soo hadal qaaday dhaawaca macalinka ayuu sheegay'' Ragga toogashada ku dhaawacay macalinka waxaa ay ahaayeen dhalinyaro laga shakiyay oo dadku ay weydiiyeen wax ay yihiin, hasse ahaatee markii su'aashaa la weydiiyay kadib ayeey rasaas ku jawaabeen taasoo keentay ayuu yiri in uu macalinka ku dhaawacmo''

Ugu danbeyntii, gadiidka yar yar ee Bajaajka oo ah gadiidka ugu badan ee xiliyada habeenkii shaqeeya guud ahaan marka la eego Soomaaliya, waxaana inta badan dhacda in ciidamada dowladda iyo wadayaasha gadiidkan uu soo dhax gallo ismaadhaaf ugu danbeyntii sababa dil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]