4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Malaysia oo ka qeybqaadaneysa gurmadka abaarta Soomaaliya

 Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Dowladda Malaysia ayaa ciidamo u diraysa Soomaaliya,kuwaasoo ka qayb-qaadanaya howlgalka bani’aadamnimo ee ka socda Soomaaliya kaddib abaar daba-dheeratay oo dalka ka taagan tan iyo sanadkii 2014.

Wasiirka gaadhandhigga Malaysia,Hishammuddin Tun Hussein ayaa u sheegay saxaafadda in go’aanka ay ciidamada ku geynayaan Soomaaliya uu yimid, markii uu kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte oo dhawaan booqasho ku soo gaaray Malaysia.

Wasiirka waxaa kaloo uu wariyayaasha u sheegay ciidamada ay geynayaan Soomaaliya in ay ku sugan yihiin magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga,waxaana ay joogayaan Soomaaliya inta uu socda gurmadka ay Malaysia garsiineyso bulshada Soomaaliyeed ee abaarta ay saameysay.

“Ra’iisal wasaare ku-xigeenka waxaa uu wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday in ay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”ayuu yiri wasiirka gaadhandhigga Malaysia

Intaa waxaa uu ku darray wasiir Hishammuddin in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.

Dowladda Malaysia gurmadka ay u garsiineyso Soomaaliya waxaa la socda 3 sarkaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay sii qaadi doonan xubnaha ay u dirayaan Soomaaliya cunto iyo daawo, iyagoo isticmaali doona diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130.

Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay ka soo badbaadiyeen shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.

Sidoo kale,dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asiyaha dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya,sida u caddeeyay wasiirka gaashandhigga Malaysia.

Ugu danbeyntii, dowladda Malaysia toddobadyo ka hor ayay si cad u sheegtay inay garab istageyso dadka Soomaaliyeed,iyagoo marka billaabay dadaallo gurmadkii ugu horreeyay lugu garsiinayo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]