3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2017
Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha midowga Africa oo ka wada hadlay Abaaraha iyo Ammaanka

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad ayaa maanta booqasho aan la shaacin ku yimid magaaladda muqdishu, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ammaanka iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ay ragaadisay.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad oo u dhashay dalka Chad ayaa la filayaa inuu Kulamo la yeesho, Taliska AMISOM iyo Saraakiisha Hay’adaha Caaalamiga.

Waa Safarkii ugu horreeyey ee uu Moussa Faki Mahamad ku yimaado Somalia, tan iyo markii loo doortay Xilkaasi bishii January ee sannadkan, kadib, markii uu ka adkaaday  Musharixiin ka kala socotay Kenya, Senigal, Botoswana iyo  Equatorial Guinea.

Waddooyin magaaladda Muqdishu, ayaa wali xiran.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia












Click here
3/18/2017 2:58 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Madaxweeynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa maanta booqday saldhigga ay ciidamada Kenya ku leeyihin Soomaaliya gaar ahaan magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose.

3/18/2017 12:52 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay Qaxootiga soomaalida ah, ee saarnaa doontii u socotay dalka Sudan ee lagu xasuuqa biyaha dhexdooda.

3/18/2017 11:17 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun cusub oo noqon doonta qaybta gurmadka degdeg ah ee cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa lagu kordhiyey, waxa kale oo uu dhagax dhigay xarun cusub oo noqon doonta hooyada illaa cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo isku jira ilaa toddoba boqol oo mitir.

3/18/2017 10:53 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey qaraar ku aadan gurmadka abaaraha dalka, kaasi oo mudooyinkan ay ka doodayeen xildhibaannada

3/18/2017 10:24 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dilka wiil dhalinyaro ah oo darwal ka ahaa gadiidka [Bajaajka] oo askari ka tirsan ciidamada dowladda uu xalay ku toogtay xaafadda Buundo-weyne ee gobolka Hiiraan iyo dhaawac kooxo hubeysan u geysteen macalin dugsi Qur’aan.

3/18/2017 9:54 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Wararka ka imaanaya Degmadda Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in ciidamo ku xareysnaa xero military oo ku taalla degmaddaasi, ay isaga tageen xeradda, kadib markii ay sheegeen in aan wax mushaar ah la siin mudo bilooyin ah.

3/18/2017 8:58 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Turkiga, ayaa la filayaa in bisha soo socota ee April, ay xariga ka jarto saldhig Military oo ay ka dhisatay magaaladda Muqdishu, sida uu qoray Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa magaalladda Istanbul.

3/18/2017 7:53 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Dowladda Canada, ayaa Dhaqaale wax looga qabanayo Abaaraha ugu deeqday dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen.

3/18/2017 7:43 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Dowladda Malaysia ayaa ciidamo u diraysa Soomaaliya,kuwaasoo ka qayb-qaadanaya howlgalka bani’aadamnimo ee ka socda Soomaaliya kaddib abaar daba-dheeratay oo dalka ka taagan tan iyo sanadkii 2014.

3/18/2017 6:17 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Qof-goobjooge ah oo ku sugan degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in maanta barqadii dagaal degmadda uu ku dhexmaray ciidamadda maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

3/18/2017 6:00 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) -Saraakiil Faransiis ah ayaa sheegay in nin askari ka dafay qori lagu toogtay madaarka Orly ee magaalada Paris.

3/18/2017 5:44 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Dowladaha Mareykanka iyo Masar, ayaa kusoo biiray dhex-dhexaadinta laga dhex wado dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ee ku aadan saldhiga Military ee Imaaraadka uu damacsanyahay in uu ka dhiso dekadda Berbera ee deegaanadda maamulka Soomaaliland.

3/18/2017 3:40 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Diyaaradii waday wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad ayaa maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ee magaaladda Muqdishu.

3/18/2017 1:56 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah wadayaasha gadiidka Bajaajka xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

3/18/2017 1:38 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Tirada dhimashada ayaa kor u sii dhaafeysa 40 ruux, kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay gantaal ku dhufatay doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed oo ku sii jeeday dalka Suudaan, kana ababaxday xeebaha Yemen.

3/18/2017 1:01 AM EST
Jimco, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya, ayaa Gobolada Baay iyo Bakool ku soo bandhigay Ciidan ka tirsanaa, sida ay sheegeen Dowladda federaalka Soomaaliya, oo iskusoo dhiibay Al shabaab.

3/18/2017 12:46 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Saaka waxaa xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho dhex mara, sida dadka reer muqdisho ay sheegeen.