4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa dowladda oo ku dagaalamay degmadda Afgooye

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) –Qof-goobjooge ah oo ku sugan degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in maanta barqadii dagaal degmadda uu ku dhexmaray ciidamadda maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dagaal sababtii uu ku bilowday wali lama xaqiijin.

Sidoo kale, Khasaaraha ka dhashay lama oga, balse dadka deegaanka ayaa qal-qal ka muujiyay isa-rasaaseeynta.

Masuuliyiinta deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan dagaalka.

Xaaladda degmadda ayaa caadi kusoo noqotay, waxaana dib u-furay waddooyinkii degmadda ee xirmar intii ay socotay is-rasaaseynta.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia