4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2017
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Booqasho aan la shaacin ku yimid magaaladda Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 18, 2017 (HOL) – Diyaaradii waday wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad ayaa maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ee magaaladda Muqdishu.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madax ka tirsan howlgalka Midowga Africa ayaa garoonka diyaarada kusoo dhoweeyay wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha. 

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamad oo u dhashay dalka Chad ayaa la filayaa inuu Kulamo la yeesho Madaxweyne Farmaajo, Taliska AMISOM iyo Saraakiisha Hay’adaha Caaalamiga.

Kulanka uu la qaadan doono, Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa diirada lagu saari doonaa, arrimaha Abaaraha, is-kaashiga iyo amanaanka .

Waa Safarkii ugu horreeyey ee uu Moussa Faki Mahamad ku yimaado Somalia, tan iyo markii loo doortay Xilkaasi bishii January ee sannadkan, kadib, markii uu ka adkaaday  Musharixiin ka kala socotay Kenya, Senigal, Botoswana iyo  Equatorial Guinea.

Ammaanka Muqdisho: 

Maanta waxaa xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho dhex mara, iyada oo ay ugu wacantahay booqashadda Guddoomiyaha.

Waddooyinka xiran waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama.

Isgoysyada Banaadir, Soobe, KM-4 illaa Debka ayaa ah kuwo maanta laga mamnuucay in ay isticmaalaan gawaarida raaxada iyo kuwa kale ee shacabka caadiga ah ay isticmaalaan.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia