3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2017
Sacuudiga oo "fashiliyay" weerar la damacsanaa in lagu qaado misaajidka barakaysan ee Maka

 
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Ciidamada ammaanka ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa fashiliyay waxa ay ku tilmaameen weerar argagixiso ay qorshaynaysay in ay ku bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Maka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada hareereeyeen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan.

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha.

Bishii July 2016, afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina.

Qaar kamid ah dowladdaha xulufada la ah Sacuudiga ayaa cambaareeyay isku dayga, waxaana y ku tilmaameen fal fuleynima ah. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia











Click here
6/24/2017 10:46 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Mas’uuliyin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa deegaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan ayaa heshiis hor dhac ah ka gaaray dagaal halkaa ku dhaxmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

6/24/2017 8:01 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalladda Kampala kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

6/24/2017 5:24 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 140 qof ayaa la la' yahay kadib buur kusoo duntay deegaan ka tirsan gobolka Sichuan ee koonfur-galbeed Shiinaha.

6/24/2017 4:59 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Saddex Qarax ayaa sagaal maalmood gudahooda ka dhacay magaalladda Muqdishu, oo intooda badan ay ku dhinteen dad shacab ah.

6/24/2017 3:18 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta maamulka koonfur-galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin xiriir toos ah oo ka dhexeeya koonfur-galbeed iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

6/24/2017 2:24 AM EST
Sabti, June, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa ugu baaqayaa dalalka martigeliya Qaxootiga Soomaalidda in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u oggolaadaan Qaxootiga in ay is hormariyaan.