3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 23, 2017
Xarrakada Al-shabaab oo weerartay Banki ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday Banki ku yaalla magaalada Mandera ee Waqooyi-Bari Kenya, iyaga oo halkaa ku dilay Labo ruux oo rayid ah iyo qof kale oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada amniga.

Sidoo kale, Miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa ku qaraxday waddada isku xirta Mandera iyo Ceel-waaq, balse waxaa lagu soo warramayaa in aan qaraxaasi wax khasaare ah ay ka dhalan.

Magaalada Mandera waxaa hore uga dhacay weerarro xiriir ah oo ay ku dhinteen rayid iyo waliba ciidamada amniga Kenya, waxaana mas’uulyadda weeraradaasi sheegtay al-Shabaab.

Ururka Al-shabaab Al-Shabaab ayaa Toddobaadyadii tagey aad u kordhiyay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaannada ku dhaw xuduudda Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/23/2017 3:52 PM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab.

6/23/2017 2:30 PM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) –Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad-Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa lagu dhameystiray xubnaha Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ee heer Gobol, iyadoo Madaxweynaha uu horey u magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Mudane Axmed Meyre Makaraan, waxaana hadda gabi ahaanba la dhameystiray maamulka.

6/23/2017 12:55 PM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay weerar Al-shabaab maanta ay ku qadeen suuqa xoolaha deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.

6/23/2017 12:39 PM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kamid ah madaxda ka qeyb galaysa Shirka Isgarab-taagga Uganda ee Qaxootiga, ayaa ku baaqay in qaxootiga Soomaaliyeed la siiyo fursado ay uga shaqeysan karaan dalalka ay martida u yihiin si ay noloshooda u hormariyaan.

6/23/2017 12:28 PM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal Diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.

6/23/2017 7:33 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL)– Wadamada Khaliifka ee xiriirka u jaray dowladda Qatar ayaa soo saaray Liis ay ku qoran yihiin dalabyo laga doonayo in ay fuliso xukuumada Doha si xayiraada saaran looga qaado.

6/23/2017 1:56 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa maanta howlgallo baaritaanna ah ka wada qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

6/23/2017 1:32 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Helmand ee dalka Afgaanistaan, sida Police-ka ay sheegeen.

6/23/2017 1:20 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) – Guddoomiyihii Sportiga degmadda Wadajir Maxamed Catoosh Macalimoow, ayaa gelinkii dambe ee shalay u geeryooday dhaawac dhawaan kasoo gaaray qarax Al Shabaab ay ku weerareen xaruunta degmadda Wadajir ee magaalladda Muqdishu.

6/23/2017 12:44 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) –Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen xiliga uu furmayo Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

6/23/2017 12:39 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) –Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.

6/23/2017 12:31 AM EST
Jimco, June, 23, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.