3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya shir looga hadli doono arrimaha Qaxootiga oo ka furmaya dalka Uganda

 

Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa shalay gaaray magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka qeyb-gallo shir dalkaasi ka furmaya oo looga hadlayo arrimaha Qaxootiga gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga uu la socdo ayaa inta ay booqashada ku guda jiraan waxaa ay la kulmi doonaa madaxda Uganda iyo wufuuda kale ee shirka ka qeyb-galaysa.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale oo wada hadallo la yeelan doona dhigooda wadanka Uganda.

Dowladda Uganada ayaa waxaa ay kamid tahay waddamada ciidamada Nabad ilaalinta usoo diray dalka Soomaaliya kuwaas oo caawimaad siinaya ciidanka dowladda oo dagaal xooggan kula jira dagaalyahannada Al Shabaab.

Shirka sanadkan ka furmaya dalka Uganada, waxaa ka qeyb-galaya waddamo badan oo African, waxaana sanad kasta lagu qabtaa wadan Africa ku yaalla.

Waan idin soo gudbin donaa kulamada madaxweynaha uu la yeesho mas’uuliyiinta iyo waxyaabah kasoo baxa.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
6/22/2017 2:42 PM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max'ed Max'uud Awlibaax ayaa goordhow Isbitalka Digfeer ee haatan loo yaqaan Isbitalka Recep Tayyeb Erdogan ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

6/22/2017 10:45 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala eegay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku dhinteen......

6/22/2017 8:02 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Warar hordhac ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

6/22/2017 7:51 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha dalkeeda u tallaabeen dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

6/22/2017 4:41 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

6/22/2017 12:44 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

6/22/2017 12:39 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.

6/22/2017 12:30 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– 5,000 “Shan kun” oo qof ayaa Arbacadii shalay ka qeyb-gashay aaskii Nabra Hassanen oo aheyd gabar 17-jir ah oo dhawaan lagu dilay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

6/22/2017 12:20 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)–Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dagaallo diimeedyo ka dhacay magaalladda Bria oo ku taalla bariga dalka Afrikada Dhexe.