3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
Faafaahin: Nin oday ah oo xalay lagu dilay degmada Qoryooley

 
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.

Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta aysan ciidamada degaanka soo gaarin, sida goobjoogaal ah ay u sheegeen Hiiraan Online.

“Ma garaneyno sababtii loo dilay Sheekh Ibraahim, kuma uusan lug laheyn wax siyaasad ah”, mid kamid ah ehelada marxuumka ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegtay.

Dhinaca kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka marxuumka. sidoo kale Xaaladda degmadda ayaa maanta degan kadib dilkii xalay.

18-kii bishan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku dhexmaray degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
6/22/2017 2:42 PM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max'ed Max'uud Awlibaax ayaa goordhow Isbitalka Digfeer ee haatan loo yaqaan Isbitalka Recep Tayyeb Erdogan ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

6/22/2017 10:45 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala eegay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku dhinteen......

6/22/2017 8:02 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Warar hordhac ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

6/22/2017 7:51 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha dalkeeda u tallaabeen dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

6/22/2017 4:41 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

6/22/2017 12:49 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa shalay gaaray magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda.

6/22/2017 12:44 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

6/22/2017 12:30 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– 5,000 “Shan kun” oo qof ayaa Arbacadii shalay ka qeyb-gashay aaskii Nabra Hassanen oo aheyd gabar 17-jir ah oo dhawaan lagu dilay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

6/22/2017 12:20 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)–Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dagaallo diimeedyo ka dhacay magaalladda Bria oo ku taalla bariga dalka Afrikada Dhexe.